Latest News

Dekadii Berbera oo Gaadiidkii Ugu Badnaa Oo Ethiopia U Rararani Ku Soo Jihaysanyihiin Cabsi Laga Qabo Marinkii Dekada Jabuuti

Q/ Ibraahim Caydiid/Alxaqiiqa tv

July 20,2021

Ganacsatadii Dalka Ethiopia oo aad uga wer-wer tay Dagaalka ku soo dhawaaday marinka u dhaxeeya Dalka Ethiopia & Dalka Jabuuti oo ay Dal weynaha Ethiopia wax uga soo degaan, taas oo ay Maraakiibtii ugu badnayd ay hada u soo rarantahay Dekada Berbera.

Fursada maanta ay Somaliland heshay waa mid aad u qaali ah oo hadii ilaahay Dawladeena uu talada garansiiyo macaash & Mustaqbal badan oo Wiilka Wiilkiisa ah laga faa,iidi doono.

Dalwaynaha Ethiopia oo runtii ka mid ah Dalalka Africa ugu dadka badan ee hadana aan Dekada & Bada lahayn ayaa ah mid ay Somaliland ka samayn karto macaash badan oo Dadka Reer Somaliland oo aan tiradoodu badanayni ay ka heli karaan fursado shaqo & macaash Dadka Reer Somaliland si toos ah & si dad-ban labadaba u soo gaadhi kara.

Runtii Isticmaalka Dekada Berbera ee Dalka Ethiopia ay isticmaali doonaan sida aan sheegay waxaa ku jira macaash badan oo Dalka & Dadkuba uu ka faa,iidi doono sidoo kale waxaa taas garab socota khasaare badan oo ay Mawjadaha Ganacsi ee Dalwaynaha Ethiopia uu Somaliland ku keeni karo kaas oo mar walba in si Qoto dheer oo Mustaqbalka ah ay sax tahay inay Dawladeenu uga fikirto.

Dhinaca Khasaraahaa waxaa inagaga iman kartaa inaga oo ka il-duufna heshiisyada inagu cusub ee dhex mari doona Dawladeena & Dalka Ethiopia in la inagu khiyaameeyo taas oo u baahan inaynu ka feejignaano wax badan oo aynu Daraasad dhan walba ah samayno.

Waxaan shaki lahayn in Dagaalka ka socoda marinka Ethiopia & Jabuuti u dhaxeeyaa uu sababayo inay Ethiopia maanta desperate u tahay isticmaalka Dekada laakiin marka ay xaalada Dagaalku is bedesho ee ay degto in ay Ethiopia isku lisi doonto Jabuuti & Berbera, taas oo ay Competition galin doonto labada Dal & labada Dekadoodba.

Iyada oo taas laga duulayo waxaa muhiim ah inaynu si qoto dheer uga fikirno heshiisyada aynu la gali doono taas oo ay sax tahay inaynu maskaxda ku hayno xaalada & jawiga maanta jira because Lax walba Shililkay is dhigto ayaa lagu gawracaa.

Arimaha in laga fikiro oo aynu qaybteena qaadano waxaa ka mid ah Gadiidka badan ee Xoolaha daabuli doona oo hadaynu qayb qaadano Dalkeena wax badan ka badali doona, Wakiilada muwaadiniintu ay uga Wakiil noqon doonaan waxyaalo badan oo inaan la fudaysan oo in iyagu ay Wakiil isu noqdaan aan laga yeelin ayaa iyana aad muhiim u ah.

Dhibaatooyinka ama khasaaraha Macaashka garab socda ee in laga feejignaado ay sax tahay waxaan ka xusi karaa qodobadan….

1) In Wadooyinkii la sameeyey ee lacagta badani gashay ay Mudo kooban Gaadiidka waawayn ee 70 Tn la saarayaa ay Wadada rawixin doonaan oo u baahan in lacagta wadada lagu samayn doono laga fikiro oo hadaba meel la saaro Laguna talo galo mudo ka dib inaynu Wadadaa fiican waayi doono.

2) Darawaliinta & Dadka Gaadiidka labada Dal isaga gooshaya la socda ama wata oo ay sax tahay in la xakameeyo oo aan lagu siidayn Magaalooyinka iyaga oo dhinaca Caafimaadka Khasaare wayn Dadkeena u gaysan kara oo loo baahanyahay in ayagana hada ay Wasaarada Caafimaadka & Laanta Socdaalkuba ay deraasad & talo ay ku xakameeyaan ay ka sameeyaan.

3) Heshiisyada Ganacsiga ah ama #Trade_agreements ka laftooda oo laga fikiro in la isku khiyaamayn karo oo Wasaarada Ganacsigu ay sax tahay inay Khabaro Ganacsi oo arimahaas ka talo siisa ay diyaarsato si aan la inoogu harawsan Badeecadaha Transit ka ah Etc.

4) Dhinaca kale waxaa Dawladeena la gudboon inay ka feejignaato Ganacsatadeena waawayn oo noqday kaligood noolayaal aan naxayn oo doonaya inaanay waxba reebin, awoodna u leh inay wax kasta keensan karaan haday Gaadiid noqoto & haday wax kasta oo loo baahdo noqoto, taas oo ay sax tahay in aan Dalka lagu siidayne ganacsatada Dabaqada dhexe doorkooda la siiyo si aanu Dalkeenu u noqon mid la isku dul nool yahay oo in koobani ay Mulkiday manfaciisa.

Waxaynu ognahay Shirkadaha waawayn ee Reer Somaliland inay wax kasta maanta ayagu gacanta ku hayaan sida Xawaaladaha, lacagta Zaadka & E-dahab, laydhka, Isgaadhsiinta, Raashinka, Bagaashka, Wershadaha Etc.

Shirkadaha waawayn ee Dalka oo Ganacsigii Dalka in ka badan 50% ayagu gacanta ku haya oo hadana maanta doonaya inay wax kasta oo Dalka ku soo kordhi doona ay ayagu iska fuur yeelaan ayaa Dawlada looga baahan yahay inay arintaa Qorshe ka samayso oo aanay arintu noqon “Wan weyn badhi ku shub” oo laga hor tago inuu Dadkeenu noqdo laba dabaqadood oo midina bakhtiyeyso midina ay cirka tagto sida Jabuuti & meelo kalaba aay hada yihiin oo kale.

Si looga hor tago in Dadkeenu ay laba dabaqadood oo kaliya oo midi ay bakhtiyeyso ay noqdaan waa in Ganacsatada dhexe oo ah ta ugu badan Dalkeena ah oo awoodi karta inay Gaadiidka shaqayn doona & Akamiyaadka loo baahan yahayba awood u leh in lagu xisaabtamo oo àanu Dalku noqon mid toboneeyaha Shirkadood ee Ganacsigii Dalka haysta ay sax tahay in aan inta hadhayna lagu sii daynin.

Al-muhiim waxaynu maanta haysanaa Jaanis Macaashkii & Khasaarihiiba ay is garab socdaan oo u baahan talada oo la ruugo & wax badan oo mustaqbalka ah oo laga fikiro.

Ethiopia haday maanta si fudud ay inoo Dul keento Maraakiib & Bucshurado fara badan oo aynu si fudud inaga oo aan heshiisyo mustaqbal leh la galin aynu isaga dhex dabaalano ama heshiisyada la inagu khaldo maalin kale ayeynu farta dhexda ka qaniini doonaaye maanta aad ha looga fikiro, fursada dahabiga ah ee aynu helnayna ha laga faa,iidaysto oo iyana yaan la dayicine ha la la shaqaysto.

Somaliland ilaahoow u gar-gaar Cadawgeeda gudaha & ka dibadana jabi, Dawladeedana talada saxda ah ilaahoow waafaji.

Allahayaw Nin Daacad ah.
Allahayaw Nin Daallin ah.
Deeqdaada ha u simin.

Allahayaw laba talaba tii roon.

#Al_xaqiiqa

Connect with us on Facebook