Ganacsiga U Dhaxeeya Afrika Iyo Shiinaha Oo Noqday Mid Dhinac Ka Raran
Haatufonline,May 29,2024.
Badeecadihii lagu samayn jiray warshadaha Shiinuhu wali waxay kusoo qulqulayaan dalalka Afrika oo inay sii bataan mooyaane isma dhimayaan halka alaabtii uu Shiinuhu Afrika ka qaadanayey ay wali ku koobantahay Shidaal iyo macdan aan warshadaysnayn oo qiimo ahaan aan u dhigmin faaiidada wayn ee uu Shiinuhu ka helo alaabta uu Afrika usoo dhoofiyo. Madaxwaynaha Shiinaha Xi Ping ayaa sanadkii 2013 bilaabay siyaasad cusub oo la magac baxday “Road & Belt Initiative” taasoo uu Shiinuhu ku dhisayo shabakad caalimi ah oo ka kooban marinno laga dhisayo badda iyo dhulkaba oo isku xidhaya dalkiisa iyo dalalka kalee dunida intooda badan,qorshahaasi oo looga danlahaa in dalka Shiinuhu si fudud oo sahlan shabakadahaasi u mariyo badeecadaha uu dhoofiyo iyo kuwa uu lasoo dagaba.
Iyadoo ay siyaasaddaa tixraacayaan dawladda Shiinahu waxay 20 kii sanadood ee lasoo dhaafay dalalka Afrika ka hirgalisay mashaariic farabadan ooy ugu dhiseen wadooyin,tareeno,dakado iyo madaaraba kuwaasoo lagu fuliyey amaaho ay Shiinuhu bixiyeen oo lagu yeelanyo wadamadii la siiyey.
Shiinuhu wuxu markaas ku doodayey in siyaasadiisan cusubi ay kobcin doonto maalgalinta ay Shirkadaha Shiinahu galiyaan Afrika isla markaana uu qorshahani kor u qaadi doono heerka ganacsi ee u dhaxeexa dalkooda iyo Afrika oo ay labada dhinacba ay dhaqaale ahaan si mug leh uga faaidaysan doonaan.
Sida laga soo xigtay kastamada Shiinaha gacasigau dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ayaa sanadkii 2023 gaadhay heer $ 282 bilyan ah. Hasayeeshee marka lacagtaasi baadhitaan lagu sameeyo wax yar mooyaane waxay badankeedu ahayd alaab ganacsi oo uu Shiinuhu usoo dhoofiyey dalalka Afrika. Kaaga darane waxa isla sanadkaasi 7% hoos u dhacay alaabti ay Afrikaanku u dhoofin jireen Shiinaha taasoo 46% laban laabtay farqigii weynaa ee u dhexeeyey waxayaabaha ay Shiinuhu Afrika ka iibiyaan iyo waxayaabaha ay dalalka Afrika u dhoofiyaan Shiinaha.
Francis Mangeni oo ka taliya arimaha la xidhiidha aagaga ganacsiga xorta ah ee Afrika (Continental Free Trade Area) ayaa farqigan weyn ku tilmaamay mid aan isbixinayn oo maa daama uu miisaankii baayac mushturka u dhexeeya Afrika iyo Shiinuhu uu dhinac ka raran yahay.
Leave a comment