Doodii Space-Ka Iyo Sir Ka Fakatay Caynte
Haatufonline,June 7,2024
Dood todobaadkii hore lagu qabtay X (Twitter) ayaa waxa kasoo qaybgalay xubnaha gudi uu madaxweynaha Somalia dhawaan u magaacaabay inay ka hortagaan Isfahmkii dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia Jenuary 1,2024, ayaa waxay siri ka fakatay xubin ka mid ah gudidaasi oo la yidhaa Cabdulkariim Cayte kaasoo Space-kii ka dhex sheegay in xukuumadda Somalia ay gudaha Somaliland ka waddo qorsheyaal lagu mijaxaabinayo dawladda ka dhisan Somaliland si loo fashiliyo inuu hirgalo isfahamkii dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.
Caynte waxa uu daboolka ka qaaday oo yidhi “Waxaynu ku guulaysanay in aynu bariga Somaliland ee ku dhaw xadka ka dhex abuurno maamul macmal ah sii ay Somaliland gudaha uga dunto.Waxaynu taas oo kale ka hirgalin karnaa qaybaha kale Somaliland waliba gaar ahaan gobolka Awdal ee xadka la leh Djibouti iyadoo sidii bariga ka dhacday aynu adeegsanayno ciidan laga qorto dadka deegaanka ee laga tirada badanyahay “ .
Leave a comment