Latest News

Maxkamadda Zambia Oo Xadhig Ku Xukuntay Koox Shiine Ah Oo Internet-ka U Adeegsatay Dhaca Dadka

Lusaka,June 10,2024 (Haatufonline) – Maxkamad ku taala dalka Zambia ayaa Jimcihii xukun xadhig muddo dheer ah ku riday koox Shiine ah oo ka kooban 22 qof kadib markii lagu soo eedeeyey inay dhaceen dad ku nool Zambia iyo dalal kale oo dunida ku filiqsan iyagoo adeegsanaya internet-ka iyo isgaadhsiinta telefoonada.
Dadka ay maxkamaddu danbiga ku heshay ayaa waxa ka mid ahaa nin u dhashay dalka Cameroon iyo madaxi kooxdan oo magaciisa la yidhaa Li Xianlin kaas oo 11 sanadood oo xadhig ah lagu xukumay.
Dadka la xukumay oo danbyadoo qirtay ayaa waxay u shaqayn jireen shirkad Shiine ah oo la magacbaxday Golden Top Support Services (GTSS) oo xarunteedu ku taalay caasimadda Zambia ee Lusaka.
Hadaba kadib markii ay soo baxeen cabashooyin badan oo ku saabsan lacago laga dhacay dad ku nool Zambia iyo dalal kale iyadoo lagu khiyaameeyey adeega internet-ka iyo isgaadhsiin tugaysi ah oo lagula baxay lacago ku jiray xisaabaha bankiyada iyo telefoonadaba,waxay Wakaaladda la Dagaalanka Maandooriyaasha ee Zambia ogaatay in cidda xatooyada noocan ah ka dambaysaa ay yihiin xubnaha koox Shiine ah oo xilal kala duwan ka haya shirkadda GTSS.
Waxa iyaguna jiray dhalinyaro reer Zambia ah oo kooxdani adeegsatay oo shaqadoodu ahayd inay macluumaad khaldan oo loo qaray u akhriyaan dadka la khiyaamaynayo.Waxanadhalinyaradan la damiintay bishii April iyadoo ay kaalin ka geysteen baadhiistii kiiskan.
Xaruntii ay kooxdani ka hawlgali jirtay waxa laga helay qalab qarinaya goobta ay ku suganyihiin iyo kumanaan SIM kaadhyo ah oo isugu jira kuwa Zambia laga isticmaalo iyo qaar laga leeyahay dalal kale.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*