EU Oo Afar Jibaaray Cashuurta Baaburta Baytariyada Ku Shaqaysa Ee Shiinaha Lagu Sameeyo
Brussels,June 12,2024(Haatufonline)- Cashuurtii wadamada Midowga Yurub(EU) ka qaadi jireen baabuurta tamarta baytariyada ku shaqaysa ee dalka Shiinaha looga soo dhoofiyo ayaa la kordhiyey ilaa 38.1% laga bilaabo bishan wixii ka dambeeya.
Midowga Yurub ayaa arintan ku sababeeyey in dawladda Shiinuhu kabto miisaaniyadaha shirkadaheeda saameeya baabuurta dabka ku socda ee loo yaqaan EV(Elelctric Vehicles) taasoo keentay inay baaburta EV ee Shiinuhu ka jabnaadaan kuwa lagu sameeyo Yurub gudaheeda.
EU -da ayaa talabadan ku tilmaamtay mid waafaqsan shuuruucda caalamiga oo ay ku difaacayso warshadaha Yurub ee sameeya baabuurta EV-da iyadoo ka ilaalinaysa tartan cadaalad darro ah oo suuqooda wax yeeleeya.
Maraykanka qudhidiisa ayaa dhawaan 100% kor u qaaday cashuurta baabuurta EV-da ee Shiinaha looga soo dhoofiyo. Shiinaha ayaa la filayaa inuu isna qaado talaabo uu kaga jawaabayo go’aankan EU-da ee cashuurta sare kusoo rogay baabuurta EV ee uga timaadda dalka Shiinaha.
Shiinaha ayaa ilaa hadda dalalka reer Galberdka kaga horeeya waxsoo saarlka baaburta ku shaqaysa baytariyada (EV) iyo waliba qalabka tamarta ka dhaliya cadceedda (Solar Panels). Waxaana muuqata in EU-da iyo Maraykanku ay waqti dambe hambaabureen.
Dawladaha wax soo saara ayaa waxa ka dhex bilaabmay tartan loo kala dheeraynayo isticmaalka iyo hanashada tamarta cagaaran (Green Energy) oo laga baxayo tamartii ku salaysnayd gubista shidaalka ee warshadaha iyo baaburtu ku shaqayn jireen iyadoo haatan loo guurayo tamarta laga dhaliyo baytariyada,qorraxda iyo dabaysha.
Leave a comment