Latest News

$30 Bilyan Oo Ku Baxaya Madaarka Dunida Ugu Wayn Ee Laga Dhisayo Riyaad.

Riyaad,June 18,3024( Haatufonline) – Waxa caasimadda dalka Sucuudiga ee Riyaad laga dhisaya madaarka boqor Salamaan oo 3 jeer ka wayn ka Heathrow ee London ku yaala oo lacagta ku baxaysana lagu qiyaasay 30 bilyan oo doolar .
Madaarkan ayaa noqon doona ka dunida ugu wayn marka la dhamaystiro dhismahiisa sanadka 2030 waxaanu teedsanaan doonaa dhul balaciisu yahay 35.5 km2 oo 10.6 km2 ka mid ah loo qoondeeyey suuqaq ay rakaabku wax ka iibsadaan.
Waxa loogu talogalay inuu sanadkii u adeego 120 milyan oo rakaab ah taasoo 40 milyan dheeraanaysa tirada rakaabka isticmaala madaarka London ee Heathrow kaasoo isagu hadda ah garoonka qaaradda Yurub ugu mashquulsan ee ay sanadkii rakaabka ugu badani maraan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*