Daartii Ugu Dheereed Muqdisho Ee Dahabshiil Oo La Gubay
Muqdisho,June 19,2024(Haatufonline) – Waxa habeen sadexaadkii dab la qabadsiiyey dhismaha daarta ugu dheer Muqdisho oo uu leeyahay maalqabeenka reer Somaliland ee Maxamad Ducaale ( Dahsbshiil ).
Wali si rasmi ah looma oga cidda falkan geysatay hasayeeshee ilo ka tirsan laamaha amniga oo ku sugan Muqdisho oo diiday in magacooda la shaaciyo yaa sheegay in kooxda Alshabaab ay ka dambaysay arintan iyadoo ay falkan ku kaceen ka dib markii uu mulkiilaha sarta Dhab Tower diiday inuu kooxdaas argagixisada ah siiyo lacag baad ah oo ay ka doonayeen.
Sida laga soo xigtay dad ku sugnaa goobta fooqa laga dhisayo, niman ka tirsan Alshabaab ayaa goor maqribkii ah halkaas yimid waxaanay dab qabadsiiyeen sadexda dabaq ee ugu sareeya dhismaha waxaanay ku xigsiiyeen inay looxaan iyo biro ku gudbaan jaranjaradii loo fuuli lahaa dabaqyada iyadoo mudadii dheereed ee ay Alshabaabku hawshaasi ku jireen ay ciidamada amaanku ku dhici waayeen inay wax ka qabtaan.
Siday dadkaasi noo sheegeen waxa kale oo dhibaabto lagala kulmay sidii loo bakhtiin lahaa dhismaha gubanaya maa daama aanay magaalada Muqdisho lahayn ciidan iyo qalab dabka lagu bakhtiiyo oo casri ah taasoo kaliftay in wiishash dhaadheer laga soo kaxeeyo dekadda si biyaha loo gaadhsiiyo dabaqyada saree ee gubanaya.
Leave a comment