Wefti Ka Socda Baarlamaanka Maraykanka Oo Socdaal Ku Jooga Somaliland Oo Booqday Berbera.
Berbera, June 19, 2024 (Haatufonline) – Wefti ka socda dalka Maraykanka, gaar ahaana Aqalka Congresska oo socdaal ku joogay Somaliland maalmihii u dambeeyey ayaa maanta booqday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Weftigan ka socda Baarlamaanka dalka Maraykanka ah ayaa waxa Berbera ku soo dhaweeyey Maayarka magaalada Berbera Cabdishuur Maxamuud Cidin.
Weftigan ayaa intii uu ku sugnaa Berbera waxa ay booqdeen Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, Admiral Axmed Hure Haariye. Kaas oo sharaxaad ka bixiyey horumarka ciidanka ilaalada Xeebaha iyo guud ahaan horumarka Somaliland ay samaynaysay 30kii sano ee u danbeeyey
Waxay kormeereen saldhigayda ciidanka Badda iyo goobaha ugu muhiimsan ee ay ka hawlgalaan, iyagoo wafti fuulay doonyaha dheereya ee dagaalka.
Leave a comment