Madaxweynayaasha Jabuuti Iyo Somalia Oo Sheegay Inay Iska Kaashanayaan Amniga & Dhaqaalaha.
Jabuuti, June 19, 2024 (Haatufonline) -Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxtooyada dalkiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka labada Madaxweyne ayay Jabuuti sheegtay in diirada lagu saaray xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal iyo labada shacab.
Hase yeeshee war qoraal ah oo ka soo baxay VillaSomalia ayaa lagu sheegay in kulankaasi lagaga wadahadlay Amaanka iyo dhaqaalaha sidii ay labada dal iskaga kaashan lahaayeen.
Weftiga Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Jabuuti ayaa waxa ku wehelinayey Wasiirka Gaashaandhigga Somalia Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.
Warka Qoraalka ah ee ka soo baxay VillaSomalia ayaa intaa ku daray in Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ay isku raaceen in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka.
Waxaanu Xasan Sheekh ku amaanay Madaxweynaha Jabuuti kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.
Leave a comment