Latest News

Macdanta Afrika Iyo Hanashada Tamarta Cagaaran Ee Loo Kala Baratamayo

Haatufonline,June 24,2024.

Dawladaha xagga dhaqaalaha hore u maray ayaa haatan u kala dheeraynaya sidii ay u hanan lahaayeen halabuurka iyo isticmaalka Tamarta Cagaaran ee ku salaysan qoraxda,hawada iyo baytariyada
,(Green ama Clean Energy) taasoo badalaysa tamartii laga dhalin jiray shidaalka ee wasakhaynaysay cimilada aduunka.
Hadaba maa daama loo guurayo tamarta cagaaran waxa lagu tartamaya sidii loo heli lahaa maadaha laga sameeyo.
Hadaba waxa dawladaha sinaaciga ah er warshadaha lehi usoo jeedsadeen dhinaca qaaradda Afrika oo ay dhulkeeda ku aasanyihiin 92% kaydka aduunka ee maadooyinka Platinum, 56% Cobalt, 54% Manganese iyo 36% Chromium kuwaasoo dhamaantood gala halabuurka teknaloojiyada tamarta la cusboonaysiin karo(renewable energy) ee laga dhaliyo qoraxda iyo dabaysha, telefoonada iyo xitaa qalab militari oo loo adeegsado arimaha difaaca dalka sida mashiinada diyaaradaha jetka ah iyo gantalaha iyo nidaamka hogaamintooda.
Kol hadii sicirka alaabta loo adeegsanayo tiknaloojiyadu uu kor u kacay waxa hadda loo soo jeedsaday in qaaradda Afrika aad looga baadho maadada Lithium-ka ee laga sameeyo baytariyada.
Maadadan waxa qani ku ah dalalka DR Congo,Zimbabwi,Namibia ,Ghana,Mali iyo Ethiopia. Laakiinse
waxa la aaminsanyahay in Afrikii ku fadhido kaydka Lithium-ka aduunka ku jira ka ugu balaadhan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*