Latest News

Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Hubka Ku Sii Qulqulaya Somalia

Hargeysa, July 16, 2024 (Haatufonline) –  Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay korodhka hubka ku sii qulqulayaSoomaaliya, taas oo ay daliil u tahay dhacdooyinkii u dambeeyay. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, Al Shabaab waxay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan tiro hub ah oo ay wateen ciidamada dowladda ee ku sugan badhtamaha Soomaaliya.
Sidoo kale, dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabud-Waaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah.
Arrimahani waxay xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dawladaha kale ee safka hore ka qabaan in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. In kasta oo aan digniino adag bixinay, haddana cunaqabataynta ayaa la qaaday bishii December 2023.
Marka la eego sida ay dawladda Muqdisho u muuqata in aanay awood u lahayn in ay maamusho hubka, iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladdan, dawladda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka in ay si degdeg ah dib u qiimeeyaan go’aanka ay ku qaadeen cunaqabataynta hubka.
Waxaan ku boorinaynaa beesha caalamka inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo dhibaatadan, loogana hortagayo xasilooni darro kale oo gobolka ka dhacda

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*