Latest News

Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Oo Loo Gudbiyey Dacwad Maamuus Ka Xayuubin Ah Oo Ka Dhan Ah Xildhibaan Maxamed Abiib.

Hargeysa, July 17, 2024 (Haatufonline) – Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Oo Loo Gudbiyey Dacwad Maamuus Ka Xayuubin Ah Oo Ka Dhan Ah Xildhibaan Maxamed Abiib.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha Wakiilada ayaa dacwada in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo uu golaha usoo gudbiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.
Mr Abiib ayaa lagu eedeeyey in mar uu dhawaan tagay dalka Jabuuti oo uu Baasaaboor u doontay inuu kulan kula yeeshay Safaarada Somalia ee dalka Jabuuti.
Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa arinta xildhibaan Maxamed Abiib waxa uu eedo uga soo jeediyey gudoomiyaha Golahaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon kaas oo uu ku eedeeyey inuu dabada ka riixayo maamus ka xayuubinta xildhibaanka, waxaanu ugu baaqay Gudoomiye Faratoon inuu sharciga ku soo noqdo oo uu joojiyo warqada uu u gudbiyey  guddida Joogtada ee golahaasi Wakiilada Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*