Latest News

Markab Lagu Dhaawacay Badda Cas Oo Kusoo Xidhdhay Dekadda Berbera

Berbera,July 23,2024(Haatufonline) – Markabka konteenarada qaada ee la yidhaa Lobivia oo ka diiwaangashan dalka Singapore ayaa 21 July kusoo xidhay dekadda Berbera kadib markii ay Xuuthiyiintu ku weerareen gantaalo iyo diyaarado daroon ah Jimcihii dhawaa xili uu marayey albaabka koonfureed ee Badda Cas.
Lobivia oo dhaawac kasoo gaadhay weerarkii Xuuthiyiinta ayaa waxa u gurmaday oo soo badbaadiyey ciidanka badda ee Somaliland iyo farsamayaqaanada dekadda ilaa intii uu kusoo xidhanayey marsada Berbera halkaas oo loogu samaynayo dayactir.

Siday sheegtay shirkadda Ambrey ee ka talobixisa arimaha gaadiidka xamuulka ee badda markabka Lobivia ayaa kasoo shiraacday dekadda Jibuuti kuna socday jasiiradda Sirilaanka markii weerarku ku habsaday meel 150 km koonfur bari kaga beegan Cadan.
Shirkad Jarmal ah oo iyadoo ah mulkiilaha Lobivia fadhigeeduna yahay Singapore ayaa markabka ka kiraysay shirkadda Faransiiska ah ee CMA CGM waxaanu mudooyinkan dambe u kala gooshi jiray dekadaha Badda Cas,Khaliijka iyo Hindiya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*