Latest News

Madaxdhaqameed Ka Soo Jeeda Awdal Oo Shakhsiyaad Dibad Joog Ah Uga Digay Inay Nabadgalyadooda Juqa-Juqeeyaan.

Boorama, July 25, 2024 (Haatufonline) – Odayaal  iyo madaxdhaqameed ka soo jeda gobolka Awdal ayaa lama taabtaan ku tilmaamay nabadgalyada iyo xasiloonida Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay jawaab ka bixiyeen hadalo ka soo yeedhay odayaal dhigooda ah oo dhawaan ka hadlay deegaano ka baxsan xuduudaha Somaliland.

Odayaashan iyo Madaxdhaqameedkan ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaaca qaranimada Somaliland, isla markaana aanay ogolaan doonin in gobolada Awdal iyo Selel laga juqa-juqeeyo Nabadgalyada iyo Madaxbanaanida Somaliland.

Madaxdan dhaqanka oo arintaasi ka hadlay ayaa yidhi “Nabadgalyadu waa waxyaalaha ahmiyada gaarka ah noo leh hadii aanu nahay madaxdhaqameedka gobolada galbeedka Somaliland, waxaanu aad iyo aad u taageeraynaa walaalahayaga aanu gobolka wadadeganaha ee reer Awdal iyo Selel ee shalay ka hadlay Geerisa ee ka hadliyey arinta nabadgalyada waanu taageersanahay mana ogolin wax khalkhaliya goboladan galbeedka ee nabada lagu hurdo ee nabada wax lagu baranayo. Waxaanu u sheegaynaa bulshadayaduna inay nabada nagu taageeraan oo nagu garab galaan.”

Cuqaashan ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ugu baaqay shakhsiyaadka dibad-wareega ah ee amaandarada ka wada gobolada Awdal iyo Selel in arimahaasi ay faraha kala baxaan oo hadii ay iyagu caruurahoodii dibada soo dhigteen ay iyaga caruurtoodii goboladan Somaliland ay ku sugan yihiin, isla markaana aanay cidna uga dulqaadan doonin faragalinta Madaxbanaanida Somaliland.

Sidoo kale madaxdan dhaqanka ee gobolka Awdal ayaa taageero u muujiyey ganacsatada dalka waxaanay sheegeen in Ganacsatada joogta min Tukaraq ilaa Lawyacado ay yihiin kuwii qarankan dhisay ee lacagtooda ku bixinaya dhismaha nabadgalyada dalka, isla markaana aan loo baahnayn in la aflagaadeeyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*