Latest News

Wasiir-Ku-Xigeenka Hawlaha Guud Oo  Kulan Muhiim Ah La Qaatay Waxgaradka, Odayaasha, Culimada Iyo Dhalinyarada Gobolka Selel.

Hargeysa, July 27, 2024 (Haatufonline) – Wasiir-ku-xigeenka hawlaha guud, dhulka iyo Guriyeynta  Cabdimajiid Ibraahin Muumin ayaa kulan muhiim ah la qaatay waxgaradka, odayaasha, culimada & dhalinyarada gobolka Selel.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen ilaalinta qarannimada iyo wadajirka Jamuuriyadda Somaliland iyo sidoo kale u-diyaar-garawga doorashooyinka isku sidkan ee dalka ku soo fool leh.

Wacyi gelinta bulshadda ee dhinaca doorashooyinka iyo in mar 3-aad xisbiga Kulmiye talada dalka qabto.

Kulankaasi ayaa ku soo gabogaboobay jawi deggan, waxaanay odayaasha, culimada iyo Wax-garadkaasi oo uu hoggaaminayo Jiif caaqil Faysal Siciid Faahiye ay

ballan qaadeen in ay garab taagan yihiin xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*