Latest News

Macdanta Afrika Ee La Dhaafsanayo Mashaariicda Dhismaha Oo La Dhaliilay

Kinshasa,July 31,2024(Haatufonline) – Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ee magaceeda marka lasoo gaabiyo loo yaqaano DRC ayaa dib u furtay heshiisyo hore oo ay la gashay shirkado Shiine ah oo nuxurkoodu ahaa in dalka DRC uu macdantiisa Nuxaasta iyo Cobalt-ka dhaafsado mashaariic ay Shiinuhu ugu dhisayaan wadooyin iyo cusbitaalo oo uu ku baxayo kharaskh gaadhaya $ 3 bilyan.
Hadaba shirkado laga leeyahay Shiinaha oo ay hogaaminayaan labada shirkadood ee Sinohydro Corporation iyo Chima Railway Group ayaa dawladda DRC ka ogolaaday inay kordhiyaan lacagtii ay galinayeen dhismaha kaabeyaasha dhaqaale oo ay gaadhsiiyaan $ 7 bilyan(milliard) halkii ay sadexda bilyan ka ahayd iyadoo ay shirkadaha Shiinuhu lacagtaasi u qaadan doonaan macdanta Nuxaasta(Copper) iyo Cobalt-ka ee laga sameeyo baatariyada ay ku shaqeeyaan baabuurta iyo telifoonada moobaylka ah iyo waliba waxyaabo kale oo ka mid ah takloojiyada casriga ah.
Waxase isa soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo dawladaha Afrika ee macdantooda ku badalanaya mashaariic dhisme oo ay Shiinuhu ka hirgaliyaan dalalkooda.
Christian-Geraud Neema oo ah tafatiraha sare ee wargeysk China Global South Project isla markaana ka tirsan mac-hadka Carnegie Endowment oo ka faaloonaya arintan ayaa waxa uu yidhi
” Wali lama saadaalin karo in mashaariicdan dhamaantood la wada hirgalin doono iyo inkale ,laakiin in la bilaabo oo kaliya ayaa waxay madaxwaynaha DRC Tshisekedi u noqonaysa xayeysiis wanaagsan oo dhinaca dadweynaha ah”.
Neema oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxu yidhii “Fikradda macdanta la dhaafsanayo mashaariicda dhismaha waa in heshiisyadooda si sax ah loo galaa oo la xaqiijiya inay isu dhigmaan qiimaha dhabta ah ee macdanta iyo qiimaha dhabta ee mashaariicda lagu badalanayaa si aan dalka macdanta leh loo bakhsin.
Dalka DRC ayaa daboola 60% baahida macdanta Cobalt-ka ee Shiinuhu dibadda kala soo dego. Maadada Cobalt-ka ayaa muhiim u ah dalka Shiinaha waayo waxa laga sameeyaa teknaloojiyadda loo adeegsado wax soo saarka tamarta cagaaran(tamarta la cusboonaysiiyo) ee laga dhaliyo baatariyada,qoraxda dabaysha iyo mawjadaha biyaha( dhaamamka) taasoo mustaqbalka lagaga maarmi doono tamartii laga soo saari jiray shidaalka(hydrocarbons).
Guddoomiyaha Baanka Horumarinta Afrika Mr Akinwumi Adesina ayaa isna xoog u dhaliilay macdanta Afrika ee lagu badalanayo mashaariicda waxaanu heshiisyada noocas ah ku tilmaamay qaar inta badan aan daah furnayn isuna dheeli tirnayn”.
Guddoomiye Adesina waxa uu sheegay in heshiisyada la dhaafsanyo khayraatka dabiicaga ahi ay carqalad ku yihiin arimaha dibu eegista daymanka Afrika lagu leeyahay waxaanu ku baaqay in la joojiyo macaamilka noocaas ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*