Latest News

Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga.

Addis Ababa, August 3, 2024 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Wasiirka arimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo booqasho ku jooga dalkaasi ku yaala Geeska Afrika.
Raysal Wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay inay ka wadahadleen Wasiirka xidhiidhka labada iyo sidii loo sii wadi lahaa.
Hase yeeshee Wasiirka Arimaha dibada Turkiga ayaa la filayaa inuu Raysal Wasaaraha Ethiopia kala hadlo dhexdhexaadin iyaga iyo Somalia, maadaama oo kulanka labaad loo balansan yahay bishisa September.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*