Latest News

Baanka Dhexee Ethiopia Oo Doolar Xaraashay Iyo Sababta

Addis Ababa,August 7,2024(Haatufonline) – Baanka Dhexe ee dawladda Ethiopia ayaa maanta lacag Doolar ah ku xaraashay 107.9 Bir halkii Doolarba.
Xaraashkan oo ay kasoo qaybgaleen 27 baan oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa lagu dhawaaqay kadib markii uu qiimaha Birku dhulka galay todobaadkii lasoo dhaafay ee uu hoos uga dhacay 75% sicirkii lagu sarifi jiray halka Doolar taasoo ka dhalatay siyaasadda cusub ee dawladda Ethiopia ee ah in suuqu gooyo sicirka uu Birka taaganyahay marka loo eego cumladaha qalaad sida Doolarka.
Baanka Aduunka(World Bank) Iyo Sanduuqa Lacagta ee Aduunka (IMF) ayaa dhawaan ogolaaday inay Ethiopia siiyaan lacago kor u dhaafaya $20 bilyan oo isugu jira dayn amaaho ah iyo taakulayn dhaqaale waxayse Ethiopia ku xidheen shuruudo ay ka mid ahaayeen in dawladdu faraha kala baxdo xadidaada sicirka sarifka Birka oo ay qiimo goyntiisa u dhaafto suuqa.
Hirgalinta siyaasaddan cusub ayaa waxay Birkii ku keentay hoos-u-dhac xawli ah iyadoo
sicir-sarafkii Birku dhawrkii maalmood ee u dambeeyey heehaabanayey inta u dhaxaysa 85-110 halkii Doolar iyadoo u yaaraday ama meeshaba ka baxay faraqii awal u dhaxayn jiray sicirka Suuqa Madow iyo ka Baanka Dhexe. Lacagta Doolarka ah ee Baanka Dhexe ka xaraashayo baananka ayaa ujeedadeedu tahay in lagu dajiyo qiimaha Birka laguna soo celiyo kalsoonidii lagu qabay.
Guddoomiyaha Baanka Dhexee Ethiopia Mamo Mihretu oo arintan ka hadlaya ayaa sheegay in durtaba uu kordhay xijmiga macaamilka ku salaysan lacagaha qalaad ee baananku bixiyaan waxaanu yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay tirada isa soo taraysa ee baananka macaamiishooda ka haqabtiraya lacagaha adag ee ay dibadda wax kaga soo iibsanayaan”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*