Latest News

Madaxweyne Biixi  Oo Sheegay In Somaliland Ay Siyaasad Ahaan Iyo Dhaqaale Ahaanba Marayso Meel Aad U Saraysa.

Berbera, August 11, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal uga bilaabmay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen dadweynaha deegaamadii uu marayey  Madaxweynuhu

ee Gobolka Saaxil.

Soo dhaweynta madaxweynaha ayaa waxa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Saaxil oo ay horkacayaan masuuliyinta gobolka, kuwaas oo calanka Jamhuuriyada Somaliland iyo caleemo qoyan ku qaabilay madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu ka jeediyey maanta magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxa uu ku boggaadiyey dadka gobolka Saaxil degan sida qiimaha leh ee ay qaybga uga yihiin horumarka dalka, waxaanu sheegay in Somaliland ay marayso maanta meel aad u saraysa hadii ay tahay dhinaca Siyaasada iyo hadii ay tahay dhinaca dhaqaalaha.

“Siyaasad ahaa, dhaqaale ahaan iyo Sumcad ahaan Somaliland maanta waxay maraysaa  meel aad iyo aad u saraysa oo aduunka oo dhami uu ka war hayo, taasina waxay ku timid in guud ahaan dadka Somaliland iyo gaar ahaan reer Berbera ay u hagar baxaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey Magaalada Berbera oo uu socdaal ku joogo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*