Weerarada Xuuthigu Kuma Joogsan Doonaan Dagaalka Qaza Oo Dhamaada
Haatufonline,August 20,2024 (Haatufonline) – Shaki kuma jiro in weeraradii kooxda ay Iran taageerto ee Xuuthiyiintu la beegsanayeen maraakiibta isticmaasha Badda Cas ay khalkhal iyo khasaare wayn u gaysteen ganacsigii uu caalamku iskugu gudbin jiray Badda Cas iyo marinka Suez Canal.
Inkastoo ciidamada Maraykanka ,Ingiriiska iyo Midowga Yurub ay duqayn farabadan la tiigsadeen saldhigyada ay Xuuthiyiintu kasoo ganaan gantaalaha iyo diyaaradaha Drone-ka isla markaana ay ciidamada xulifadu ay cirka ku burburiyaan waxyaabaha ay Xuuthiyiintu soo ridaan intoodii badnayd ,hadana weeraradii badda ee Xuuthiyiintu wali way socdaan.
Xuuthigu markii uu bilaabayey weeraradiisa 8 bilood ka hor wuxu sheegay inuu ugu hiilinayo dadka reer Qasa ee ay Israel dagaalka kusoo qaadday siina wadii doono ilaa dagaalka Qaza joogsanayo.
Hadaba waxa
isweydiin mudan Xuuthiyiintu ma kaga dhabayn doonaan oo hadiiba uu dagaalka Qaza joogsado ma joojin doonaan weeraradooda badda.
Ififaalahaaha jiraa wuxu muujinaya in Xuuthigu uu hadda isu haysto in la loodin kari waayey oo uu noqday quwad kusoo biirtay gobolka oo lagu xisaabtami doono. Hadii xitaa colaadda Qaza lasoo afjaro waxa aad u suurtogal ah in Xuuthiyiintu ay kolba marxalad kasta oo la taaganyahay ay la yimaadaan shuruudo cusub oo siyaasadeed,dhaqaale iyo diblomaasiyadeed oo ay ku xidhayaan inay ammaan siiyaan maraakiibta ama dalalka dariska la ah ee hodanka ah sida Sucuudiga.
Leave a comment