Xuuthigu Maceeshadii Ayuu Qaaligareeyey Ee Haddaan La Iska Qaban Meel Dheer Ayaa Laga Dooni Doonaa
Haatufonline,August 22,2024(Haatufonline) – Ilaa November 2023 ilaa maanta waxay Xuuthiyiintu wadeen weerearo ay la beegsanayaan maraakiibta isticmaasha Badda Cas.Waxay biyahaasi ka dhigeen lama maraan gaar ahaan marka la eego maraakiibtii qaadi jirtay Konteenarada oo ku khasbanaaday inay kasoo wareegaan Koofur Afrika.
Inkastoo ay ciidamada reer Galbeedku ay duqayn xoog leh u gaystaan hadana Xuuthiyiintu wali may joojin weeraradoodii badda.
Arintani waxay kgalkhal iyo dhaawac gaadhsiisay ganacsigii caalamka. Laakiin waxay si gaar ah oo taban u saamaysay dhaqaalaha dalalka ku yaala Badda Cas.
Dakhligii dekadaha ayaa xoog isu dhimay.Waxa kor u kacday maceeshadii waxaana baaba’ay shaqooyin iyo meherado badda ku xidhnaa oo dadyow badan oo ku nool dalalka Badda Cas ay kala soo bixi jireen quutal daruuriga.
Xuuthigu wuxu hadda isu haystaa quwad la loodin kari waayey oo mandaqaddaba dambaabta.
Hadaba Xuuthiga lama loodin kari waayin ee waxay ka faaiidaysteen dawladaha dalalka Badda Cas ee iska qaban waayey.
Dabcan wooddan militari iyo teknaloojiyadeed ee Xuuthiga waxa ku farayarastay oo heerkan casriga ah soo gaadhsiiyey dalka Iran.
Hadaba Duqayn cirka ah kalideed lagumu joojin karo weerarada Xuithiyiinta balse waxa daruuri ah in dagaalka Qazana la joojiyo isla markaana ay dalalka Badda Cas ee Carabtu isu kaashadaan,beesha caalamkuna ku taageerto,dagaal dhul,bad iyo cirba leh oo lagaga takhalusayo xukunka Xuuthiyiinta.
Hadii kale Xuuthiyiinta waxa laga dooni doona meel dheer oo waxa la arki doonaa Xuuthiyiinta oo baadaya caalamka waliba gaar ahaan dalalka Badda Cas iyo Khaliijkaba.
Leave a comment