Latest News

Xasan Sheekh Oo Masar Ka Keensaday 1000 Baastooladood Oo Aamusiiye Leh

Muqdisho,August 23,2024(Haatufonline) – Magaalada Xamar ayaa waxa ka taagan buuq iyo shaki dadka dhexdiisa ah oo ka dhashay 1000 bastooladood oo ah nooca aamusiiyaha(silencer) leh oo Xasan Sheekh dhawaan ka keensaday dalka Masar.
Warka ku saabsan baastooladahan oo magaalad Muqdisho la isla dhex wareegayey ah dhawrkii habeen ee u dambeeyey ayaa waxa haatan xaqiijiyey qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ilaaliya madaxtooyada Somalia iyo waliba masuuliin ka tirsan dawladda oo ka cudurdaartay in la magacaabo kuwaas oo isku raacay in baastooladahaasi lagu rogay god dheer oo ku dhex yaala Villa Somalia.
Siday ilo xogogaal ah oo arinta u dhuun daloolaa noo sheegeen waxa shixnaddan baastooladaha ah lagu soo raray oo Somalia keentay diyaaradda Egypt Air ee laga leeyahay dalka Masar waxaana duulimaadkii hubka soo qaaday la socday u-qaybsamaha arimaha militariga ee safaaradda Masar ku leedahay Somalia .
Waxa kale oo isa soo taraya war sheegaya in isla duulimaadkaasi ay la socdeen xubno ka tirsan maleeshiyada Amxaarada ee Fano.
Xasan Sheekh ayaa ilaa hadda dhawr shixnadood oo hub ah oo ay ka midyihiin qoryaha diiradda leh,10 taanki iyo tiro Beebeeyo ah ka iibsaday dalka Masar ka dib markii cunaqabatayntii hubka laga qaaday Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*