Latest News

Xeer-Ilaalinta Qaranka Oo Sheegtay In Xildhibaan Maxamed Abiib Uu Dambiyo Culus Faraha Kula Jiray Markii La Xidhay.

Hargeysa, September 3, 2024 (Haatufonline) – Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka Somaliland ayaa sheegtay in xildhibaan Maxamed Abiib lagu xidhay Madaarka Hargeysa maalintii shalay isaga oo dambiyo culus faraha kula jiro.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska xeer-ilaalinta guud ee Qaranka oo uu ku saxeexan yahay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, kaas oo sidoo kale qoraal ogaysiin ah u gudbiyey golaha Wakiilada Somaliland.
Warsaxaafeedka Xeer-ilaaliyaha ayaa u dhignaa sidan “Xildhibaan Maxamed Abiib waxa lagu xidhay madaarka Hargeysa 02/09/2024, abaaro 11:30 subaxnimo, isagoo safar kaga yimid Dubai, iyadoo lala xidhiidhinayo dambiyo culus oo uu faraha kula jiray.
Xafiiska xeer-ilaalinta oo gudanaya waajibaadka ku xusan qodobka 49aad farqadiisa 4aad ee dastuurka iyo qodobka 15aad farqadiisa 4aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, waxa uu qoraal ogaysiin ah u gubiyey Golaha Wakiilada, kuna faahfaahiyey dambiyada loo haysto inuu faraha kula jiro iyo talaabada sharci ee laga qaaday, iyadoo qoraalkaas laga hor akhriyey Golaha Wakiilada fadhigii u qabsoomay saaka.
Balse Golaha Wakiiladu waxay go’aan ka soo saareen warqadii xeer ilaalintu usoo gudbisay 14/7/2024, ee ay kaga dalbanaysay in dhawrsanaanta lagaga xayuubiyo xildhibaanka, waqtigaas oo aanu xidhnayn xildhibaanku.
Qoraalkaas oo markii uu taagnaa aanu golahu ka gudan waajibaadkiisii dastuuriga ahaa mudo 2 bilood ku dhaw, haatana laga gudbay xaaladaa iyo qodobadda sharci ee la xidhiidha (out-of-date).
Sidaas darteed, waxaa wali taagan xaalada dambe ee aanu ku wargalinay golaha wakiilada. Waxaana loo habraaci doonaa sida ay dhigayaan qodobada 49aad farqadiisa 4aad, qodobka 79 farqadiisa 1aad ee dastuurka iyo qodobka 15aad farqadiisa 4aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*