Latest News

Dakhligii Suez Canal Iyo Dekadaha Sucuudiga Iyo Cumaan Oo Xoog Isu Dhimay.

Haatufonline September 13,2024

Dakhliga dekadaha Badda Cas ayaa si xoog leh isu dhimay kadib markii ay weerarada Xuuthiyiintu sababeen in hoos-u-dhac wayni ku yimaaddo tirada maraakiìbtii soo booqan jirtay ee ay dekadahaasi u adeegi jireen.

Warbixin ay shirkadda caymiska Lloyd soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in tirada maraakiibtii kusoo xidhan jirtay dekada Boqor Cabdalla ee Sucuudigu 90% hoos u dhacday halka dekadda wayn ee Jidda ay is-dhimeen 70%.

Isticmaalka Dekadda Salaala ee dalka Cumaan ayaa sanadkan isdhimay 60% ka dib markii maraakiib markay Badda Cas ku socdaan soo mari jirtay Salaala ay ka weecdeen Badda Cas una wareegeen Koonfur Afrika.

Hasayeeshee qalalaasaha Badda Cas ka taagani wuxu Dhibaatada ugu wayn soo gaadhsiiyey dalka Masar iyadoo maraakiibta konteenarada qaada iyo taankarada saliidduba ay joojiyeen isticmaalka marinka Suez Canal ee ay Masar sanadkii kasoo gali jirtay lacag ku dhaw hal bilyan oo Doolar taasoo uu ku yimid hoos-u-dhac wayn oo lagu qiyaasay 65% taasoo adhaxda kasii jabisay
Masar oo marka horeba la rafanaysay dhibaatooyin dhaqaale oo cul culus.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*