Latest News

Xuuthiyiintu Baddi Casaydna Way Xidheen Hubkiina Argagixisaday Ka Iibiyaan.

Haatufonline,September 16,2024

Badda Cas iyo marinka Suez Canal ee Masar ayaa labaduba qarka u saaranyihiin inay gabi ahaanba xidhmaan kadib markii ay maraakiibtii isticmaali jirtay wax yar mooyaane kawada haajireen una digorogteen inay kasoo wareegaan Koonfur Afrika iyagoo ka leexanaya weerarada ay Xuuthiyiinta reer Yaman ee Iran taageerto la beegsadaan maraakiibta marta Badda Cas.
Xuuthiyiinta ayaa weeraradooda bilaabay bishii Oktoobar 2023 iyadoo ay sheegeen inay ugu hiilinayaan Qaza.
Waxayse arintani aakhirkii saamaysay noolashii bulshooyin badan oo ku kala filiqsan daafaha dunida iyadoo waliba ay si gaar ah u taabatay dalalka ku yaala Badda Cas iyo Bariga Afrika kuwaasoo ay mushkiladani soo waajahaday xili aanay kasoo wada kaban dhaqaale curyaamintii ay ku keeneen Koofidhkii iyo dagaalka Ukreen ee uu ka dhashay qaaligarowgii maceeshada iyo shidaalka ee sicir baraku ku lamaanaa.

Inkastoo ciidamada Maraykanka iyo Ingiriisku garaacaan saldhigyada Xuuthiyiinta hadana taasi may joojin weeraradii ay kooxdani ku hayeen marakiibta. Dawladaha ugu xeebta dheer Badda Cas ee Masar iyo Sucuudiga ayaan iyagu isku dayin inay arinta wax ka qabtan iyadoo waliba khasaaraha ugu culusi uu soo gaadho Masar.
Hadaba tani saleelee Xuuthiyiintii ayaa sida la sheegay bilaabay inay hub casri ah ka iibiyaan kooxahaha Alshabaab iyo Daacish ee ka hawlgala dalka Somalia.
Xuuthiyiinta oo sida la ogyahay dhaqaale xumo soo waajahday ayaa waxay u muuqataa in dantu ku kaliftay inay hubka farahabadan ee Iran ku taakilayso lacag adag kaga badashaan argagixisada Somalia iyadoo ay labada dhinac isaga dabqaadaan niman reer Bosaaso ah oo ka ganacsada iibka hubka sharicdarada ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*