Latest News

Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Hub Masar Siisay Somalia.

Hargeysa, September 23, 2024 (Haatufonline) -Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubka culus ee dawladda Masar siisay maamulka Muqdisho, kaasi oo curyaaminaya xasiloonida mandaqada ee markii horeba ay dhibaatadu ka taagnayd.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, kaas oo ay ka digtay hubka iyo saanada millateri ee ay Masar u gudbisay maamulka Muqdisho oo aan tahli karin inay si wax ku ool ah u maamusho hubka gacanta loo geliyay. xilli ay xaaladda uga sii dari karto hubka culus ee Muqdisho la siiyay.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland waxa ay sheegtay in kooxaha kala duwan ee ka jira dalkaasi ay raadinayaan inay gacanta ku dhigaan hub ay ku ilaaliyaan maslaxadooda.

Waxa kaloo ay ku dooday inay ka walaacsan tahay hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah ee ay ka mid tahay Alshabaab iyo malleeshiyo beeleedyada, taasi sii murgin doonta rebshadaha iyo xasilooni darrada gobolka.

Warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxa lagu xusay inay beesha caalamka ugu baaqayso inay qaadaan tasllaabooyin lagaga hortagayo walaacyada ka dhashay hubkaas. Waxana ay intaas ku dartay in tallaabooyinka ka hortaga ahi ay muhiim u yihiin oo lagaga baaqsan karo inay xadhkaha goosato colaadu, waxa kaloo ay u wanaagsan tahay ilaalinta iyo xoojinta xasilooda mandaqada.

Xukuumadda JSL waxa ay iftiimisay in ay ka go’an tahay xoojinta nabada, waxaanay ku boorisay dhinacyada ay khusayso oo dhammi ay masuuliyadooda ka gutaan inta aanay xaaladdu gaadhi heer aan waxba laga qaban karin.

“Ficillo degdeg ah oo la qaadaa waxa ay muhiim u yihiin in aanay ballaadhan qulqulatooyinka iyo in gacanta lagu qabto xasiloonida gobolka ee aan cagaha adag ku taagnayn,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*