Latest News

Wasiirka Difaaca Yaman Oo Shiinaha Iyo Japan Ka Dalbaday Taageero Ay Kusoo Afaraan Weerarada Xuuthigu Ku Hayo Maraakiibta

Haatufonline September 29,2024

Wasiirka Difaaca xukuumadda sharciga ah ee Yaman Janaraal Muxsen Al-Daacri ayaa diblomaasiyiin ka tirsan dalalka Shiinaha iyo Yaman u sheegay in sida kaliya ee lagu sugi karo ammaanka maraakdiibta isticmaasha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed tahay iyadoo si buuxda loo taageero dawladiisa iyo ciidamada qaranka ee dalkiisa.
Wasiirka oo Sabtidii caasimadda Sucuudiga ee Riyaad kula kulmay Sii Hayaha Safaaradda Shiinaha ee Yaman Zhao Cheng iyo U-Qaybsamaha Arimaha Difaaca ee safaaradda Japan ee Yaman Soichiro Shimamura ayaa wuxu ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay taageero la siiyaa u yeelan karto in amaanka dib loogu soo dabaalo marinada badda ee ay Xuuthiyiintu nabadgelyo darada ka dhex abuureen isla markaana ay khalkhalka ku rideen isku gudubkii ganacsiga caalamka ee mari jiray Badda Cas.
Al-Daacri ayaa Xuuthiyiinta ay Iran taageerto ku tilmaamay koox aan wacad lahayn oo kilmadda nabaddu aanay qaamuuskooda kuba jirinba.

Waxay ahayd todobaadkii hore markii uu wasiirka Daakhiliga ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamad Kaahin Axmad ka hadlay amaandarada ka taagan Badda Cas ee ay sababeen weerarada ay Xuuthiyiintu ku hayaan gaadiidka badda iyo waliba halis uu sheegay inay dhawaan kasoo korodhay Xuuthiyiintii iyo ururka argagixisada ah ee Alshabaab oo uu yidhi way isku xidhmeen.
Mr Kahin waxa kale oo uu iftiimiyey in Somaliland ay muddo dheer kalideed la tacaalaysay ammaandarro kasta oo soo foodsaarta xuduudaheeda dhinaca badda hasayeeshee baxaad iyo culayska hadda soo kordhay awageed loo baahanyahay in beesha caalamku ay Somaliland gacan ka siiyaan wax-ka-qabashada arimahan khatarta ku ah amaanka mandaqadda iyo caalamkaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*