Latest News

Maamul Goboleedada Somalia Oo Ku Kala Qaybsamay Shir Xasan Sheekh Isugu Yeedhan.

Muqdisho, October 2, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shir uu ugu yeedhay wadatashi Qaranka oo ka furmay Madaxtooyada Muqdisho.Shirkan oo lagu casuumay maamul goboleedada Somalia ayaa waxa aan ka soo qaybgalin maamulada Puntland, taa badalkeedana Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Denay ayaa safar ugu baxay magaalada Baydhabo. Shirkan ayaa Villa Somalia ay sheegtay in  diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka. Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*