Latest News

Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Riig Cusub oo wakaaladda Biyaha Hargeysa soo Iibsatay.

Hargeysa, October 10, 2024 (Haatufonline)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray Riig cusub oo ay soo iibsatay wakaallada Biyaha Hargeysa.

Munaasibadda xadhig ka Jarka riiggan oo lagu qabtay xarunta wakaaladda Biyaha Hargeysa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maamulka wakaaladda biyaha, ganacsato, madax-dhaqameed iyo martisharaf kale, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo lagu ammaanayo waxqabadka wakaallada iyo horumarka ballaadhan ee ay soo kordhisay.

Ugu horrayn, maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa. Md Maxamed Cali Daarood oo hadalka ibo-furay, ayaa sharraxay Riigga cusub ee ay wakaaladdu soo iibsatay iyo sida uu Meesha uga saaray ku tiirsanaantii wakaaladda ee riigagga gaarka loo lahaa, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu riiggani awood u leeyahay inuu ceel dhererkiisu yahay 600 Mitir, kuna kacay dhaqaale lacageed oo gaadhaya $500’000.

Xubno ku hadlay Afka dadweynaha ka faa’iidaystay wejiga labaad ee biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay heleen biyo nadiif ah oo ay cabbaan, islamarkaana ka raysteen biyihii Booyadaha ee helitaankoodu adkaa, kharashkooduna badnaa.

Wasiirrada wasaaradaha xannaanada Xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey horumarinka ay ku tallaabsatay wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana ay maamulka wakaaladda usoo jeediyeen inay dedaalkooda sii wadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo Afmeeray, ayaa maamulka iyo shaqaalaha wakaaladda Biyaha ku ammaanay waxqabadka ballaadhan ee ay hirgeliyeen, waxana uu ugu baaqay inay horumarka weyn ee ay hirgeliyeen sii ambo qaadaan.

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaado-sharafyo lagu maamuusayo guddoonsiiyey qaar kamid ah madaxda iyo shaqaalaha wakaaladda Biyaha Hargeysa, kuwaas oo muujiyey dedaal iyo waxqabad badan muddadii ay shaqaynayeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*