Latest News

Qalalaasaha Badda Cas Wuxu Dalalka Saboolka Ah Baday Qaali-Garow Maceeshadeed Iyo Nabadgelyo Xumo

Waxa sii xumaanaya qaali-garowgii maceeshadda iyo sicir bararkii ka jiray dalalka saboolka ah ee ku teedsan koonfurta Badda Cas taasoo ay ugu wacantahay nabadgelyo darad ka dhalatay weerarada ay Xuuthiyiinta Yamani ku hayaan gaadiidka badda ee isticmaala Badda Cas kana gudba Qooriga Suways.
Dalalkan ayaa inta badan raashiinka la cuno kala soo daga dibadaha. Laakiinse ammaanka badda ee xumaaday darteed waxa kor u kacay caymiskii maraakiibta iyo qiimihii ay kusoo qaadi jireen badeecadaha iyadoo ay kharashyadaasi fuuleen raashinkii,shidaalkii iyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee dadku u baahnaayeen.
Waxa intaas u dheer oo saamaynteeda leh meherado iyo shaqooyin ku dhisnaa dhaqaalaha badda oo burburay.
Weerarada ay Xuuthiyiintu la beegsadaan maraakiibta ayaa waxay keentay in gaadiidkii badda ee caalamka badankiisii uu ka leexday Baddii Casayd iyo Qoorigii Suways ee awal u soo mari jiray 12-15% baayacmushturka guud ee
dunida u kala socda iyo waliba 50% alaabta konteenarada lagu qaado .Maanta seh wuxu marinkaasi ku dhaw dhawyahay inuu gabi ahaanba xidhmo hadii aan xal deg deg ah loo helin ammaandarada ku habsatay.
Sida lagu xusay warbixin ay soo saartay hayadda UNDP dalka Yaman shanti qofba afar ayaa la tacaalaya saboolnimo wajiyo kala gedisan leh.
Quutal daruurigii la xoogsan jiray ee baaba’ay iyo maceeshadda qaali garowday waxa kasii daran nabadgelyo xumada ka abuurmaysa hubka faraha badan ee ay Xuuthiyiintu ka iibiyaan maleeshiyaadka hubaysan iyo kooxaha argagixisada taasoo khatar galinaysa amniga dalalka Sudan ,Djibouti,Somaliland iyo Somalia-yaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*