Latest News

Nuxurka Qodobada Kulankii Saddex Geesoodka Ahaa ee Masar, Eritrea Iyo Somalia Ku Dhexmaray Asmara.

Asmara, October 10, 2024 (Haatufonline) – Shir madaxeed saddex geesood ah oo u dhaxeeyay Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Abdul Fattah el-Sisi, iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay Caasimada dalka Eritrea.
Kulankan ayaa Saddexda Madaxweyne ee Masar, Eritrea iyo Somalia waxay hoosta ka xariiqeen inay lama huraan tahay ku dhaqanka mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah; gaar ahaan ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka.
Sidoo kale waxa lagu heshiiyey in la horumariyo lana sii qoto-dheereeyo iskaashiga iyo isku-xidhaanta saddexda waddan si kor loogu qaado hay’adaha Dawladda Soomaaliya si ay uga hortagaan caqabadaha kala duwan ee gudaha iyo dibadda; iyo, in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed loo suurtageliyo in ay ka hortagaan argagixisada nooc kasta oo ay tahay;
Waxa kalr oo si qoto dheer looga wada hadlay:

  • Qalalaasaha Suudaan iyo saamaynta gobolka;
    -Xaaladda Soomaaliya marka loo eego is-bedellada gobolka ee u dambeeyay;
  • Arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya Waddamada Litterral ee Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Bab-al Mandab iyada oo la eegayo muhiimadda ugu weyn ee marin badeed oo muhiim ah;
  • Habka isku xirka diblomaasiyadeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya saddexda waddan.
  • Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso Guddi Wadajir ah oo Saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya, Masar iyo Soomaaliya, si ay iskaashi istiraatiiji ah uga yeeshaan dhammaan dhinacyada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*