Latest News

Khubaro Ka Tirsan Q Midoobay Oo Kashifay Iskaashi U Dhaxeeya Xuuthiyiinta Iyo Alshabaab.

Haatufonline,November 4,2024.
Warbixin cusub oo ay soo saartay guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Yaman ayaa daboolka ka qaaday jiritaanka xidhiidh iskaashi oo u dhaxeeya kooxda Xuuthiyiinta Yaman iyo ururka Alshabaab ee Somalia.
Gudidan oo ka kooban khubaro baadheyaal ah ayaa warbixin ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM bishi October 2024 waxay ku sheegtay in xidhiidhka iyo macaamilka u dhaxeeya Xuuthiyiinta iyo Alshabaab uu yahay mid fidaya iyadoo ay Xuuthiyiintu danaynayaan inay weeraradii ay ku qaadi jireen maraakiibta marta Badda Cas balaadhiyaan oo ay gaadhsiiyaan Badwaynta Hindiya ee ku beegan xeebaha Somalia iyo dalalka kale ee bariga Afrikada taasoo ay rabaan inay iyaga iyo Alshabaab iska kaashadaan sidii loo hirgalin lahaa iyadoo ay warbaxintu sheegtay in hub tiro badani uu argagixisada Alshabaab uga yimaaddo dhinaca Xuuthiyiinta kuwaasoo iyagu taakulayn balaadhan oo militari iyo dhaqaaleba leh ka hela dalka Iran.
Sida warbixinta lagu sheegay Xuuthiyiintu waxa kala oo ay xidhiidh dhaw la yeesheen faraca Alqaacida ee Yaman kuwaasoo ay ku taakuleeyeen hub casri ah sida 4 diyaaradood oo Daroon ah iyo gantaalo ay dhawaan siiyeen kuna tababareen isticmaalkooda iyadoo labada dhinac ay meel iska dhigeen khilaafkoodii dhinaca mad-habka iyo fikirka diiniga ahaa.
Faraca Alqaacida ee ku sugan Yaman ayaa inta badan falal argagixiso ah ku qaada ciidamada u daacadda ah dhaqdhaqaaqa dib ula soo noqoshada madaxbanaanidii dalkii la odhan jiray Koonfurta Yaman ee caasimaddiisu ahayd Cadan,waxaanay warbixintu xustay in faraca Alqaacida u balanqaaday inay Xuuthiyiinta gacan ka siin doonaan weerarada badda.
Baadheyaasha Qaramada Midoobay waxa kale oo ay sheegeen in Xuuthiyiintu ay baad ku gurtaan maraakiibta si ay ammaan u siyaan iyadoo lacagta Xuuthiyiinta bishii kasoo gasho baadda ay maraakiibta ka qaataan lagu qiyaasay 180 milyan oo Doolar .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*