Siday Xuuthiyiintu U Kharashgareeyaan Lacagta Kasoo Gasha Sigaarka Kontarabaanka Ah.
Haatufonline, November 5,2024
Xuuthiyiinta Yaman ayaa weerarada ay ku qaadaan maraakiibta marta Badda Cas ka maalgaliya lacagta baadda ah ee ay ka qaadaan wakiilada gaadiidka badda iyo waliba ka-ganacsiga maandooriyeyaasha.Sida lagu sheegay warbaxin ay todobaadkii hore soo saareen khubaro baadheyaal ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobay, kooxda Xuuthiyiinta Yaman ayaa lacag baad ah ka qaada maraakiibta marta Badda Cas si ay u ammaan galiyaan iyadoo cidda diida inay bixiyaan baaddaasi halis u yihiin in Xuuthiyiintu weeraraan maraakiibtooda.
Lacagta Xuuthiyiinta kasoo gasha baadda ay maraakiibta ka qaadaan bishii ayaa waxay warbaxintu ku qiyaastay 180 milyaan oo Doolar taasoo ay ku kharashgareeyaan kala socodsiinta hawlahooda maamul iyo dagaal.
Hayadda aan dawaliga ahayn ee la dagaalanka faldambiyeedyada abaabulan ee xuduudaha dalalka isaga gudba (Intiative for transnalional organised crime) ayaa warbixin ay soo saartay qudhideedu ku sheegtay in Xuuthiyiintu ay dakhli shilis ka helaan ganacsiga maandooriyeyaasha sida kiniinka Captagon iyo waliba alaabaha kontorobaanka ah.
Dhinaca kale Xuutiyiinta ayaa macaash iyo dakhli buuran ka hela ganacsiga sigaarka kontarobaanka ah ee looga soo dhoofiyo dhinaca Somalia iyadoo ay Xuuthiyiintu sigaarkaasi cashuur la’aan ku galiyaan dalalka Sucuudiga,Cummaan,Soodaan ilaa Masar,waxaana ganacsiga sigaarka kontrobaanka ah ay shuraako kula yihiin maalqabeen Soomaali ahi.
Sida laga warqabo ciidamada caalamiga ah ee ku sugan biyaha badda mandaqada ayaa marar badan gacanta ku dhigay shixnado kontarabaan ah iyo maandooriyaal loo wado dalka Yaman.
Leave a comment