Fadeexad Ka Dhalatay Shixnad Digaag Dhacay Ah Oo Dul Hogonaysa Maamulka Xuuthiyiinta

Haatufonline December 17,2024
Masuuliin sar sare oo ka tirsan maamulka Xuuthiyiinta ee ka taliya waqooyiga Yaman ayaa isku khilaafay waxa laga yeelayo shixnad digaag dhacay ah oo uu dekadda Xudayda kasoo dajiyey mid ka mid ah ganacsatada dalkaasi.
Maxkamad ka garnaqda arimaha ganacsiga ayaa markii hore amartay in la xayiro Digaagan maa daama u taarrikhahaan dhaafay mudadii loo qoondeeyey inay dadku cuni karaan.
Hasayeeshee maxkamad kale oo ay Xuuthiyiintu leeyihiin ayaa burisay qaraarkii Maxkamadda arimaha ganacsiga waxanay fasaxday badashay in Digaaga faraha laga qaado isla markaana dalka lasoo galiyo.
Go’aankan dambe ayaa waxa la sheegay inuu ka dambeeyey wasiirka Maaliyadda ee Xuuthiyiinta Cabduljabaar Al-Garmuuzi oo ahaan jiray agaasimaha guud ee Kastamada ka hor intii aan dhawaan laga dhigin wasiirka Maaliyadda.
Arintan oo gilgishay ra’yul caamka dalka Yaman ayaa waxa aad loogaga hadlay bara bulshada iyadoo qaar ka mid taageeroyaasha caanka ah ee Xuuthiyinta sida Xuseen Al-Amlixi ay si ba’an ugu dhaliileen wasiir Al-Garmuuzi.
Digaaga dhacay ayaa waxa soo dajiyey ganacsade u dhashay gobolka Sacda ee uu kasoo jeedo hogaamiyaha Xuuthiyiinta ee Cabdulmalek Al-Xuuthi.
Qoraaga iyo siyaasiga Xuuthiga ah ee Maxamad Al-Maqaalex oo arintan ka hadlay ayaa waxa uu yidhi :”Waxa muuqata in tujaarta gobolka Sacda ay ka mudanyihiin tujaarta kale ee dalka,halka aan ilaa hadda dhag loo dhigin cabashooyinka tujaarta suuqa Baabal Salaam ee Sanca “
Leave a comment