Maxaa Ka Dhalan Kara Fashilaadii Israel Ka Raacday Ka-Hortagga Gantaal Ay Xuuthiyiintu Kusoo Ganeen
Haatufonline,December 22,2024
Ciidamada cirka ee Israel ayaa Khamiistii dhawayd weeraro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala magaalada Sanca iyo dekadaha Xudayda,Suleef iyo Raas Ciisa oo ay ka mid ahaayeen warshado laydh iyo haamo shiidaal. Isla sabtidii ku xigtay waxay Xuuthiyiinta Yamani Israel ku ganeen gantaal casri ah kasoo ku dhex qarxay magaalada Talabiib kadib markii uu nidaamkii ka-hortagga gantaalada ee Israel ku fashilmay inuu cirka ku baabiiyo gantaalkii ay Xuuthiyiintu lasoo beegsadeen kaasoo dhaawac soo gaadhisiiyey ilaa 16 qof.
Inkastoo saacado ka dib ay ciidamada isbahaysiga ee ku sugan Badda Casi duqayn xoog leh u gaysteen talisyada ciidan ee Xuuthiyiinta,hadana fashilaadda ciidanka Israel ka raacday gantaalka Xuuthiyiinta ee Talabiib ku dhacay ayaa warwar ku dhalisay dad badan oo reer Israel ah iyadoo la isweydiinayo sidii looga adkaan lahaa Xuuthiyiinta.
Laakiinse mushkiladda Israel haysata ayaa ah in aanay wax xog ah oo ay ku dagaal gasho ka haynin Xuuthiyiinta sida meelaha ay ku kaydsadaan gantaalaha iyo meelaha ay kasoo ridaanba.Waxa kale oo sirdoonka Israel aanu ilaa hadda haynin macluumaad sugan oo lagula socon karo dhaqdhaqaaqa madaxda Xuuthiyiinta iyo meelaha ay kolba ku suganyihiin.
Dhinaca kale Israel sidii Qaza iyo Lubnaan dagaal dhulka ah kuma soo qaadi karto Yaman oo xad lama laha.Xata markay Xuuthiyiinta cirka ka duqayso diyaaradaha dagaalka ee Israel waa inay soo duulaan masaafad 2000 km taasoo iyaduna aan sahlanayn.
Hadaba waxa laga cabsi qabaa in Israel ay isku qaaddo dalka Iiraan oo ay duqayso xarumaha bacriminta tamarta Niyuukliyarka ee dalkaasi oo ay awalba ku taamaysay burburintooda iyadoo hadda marmarsiiyo uga dhigan karta in Iiraan ay tahay cidda Xuuthiyiinta taakulaynaysa.
Leave a comment