Ethiopia Oo Beenisay Eedo Uga Yimid Somalia.
Addis Abab, December 24, 2024 (Haatufonline) – Dawlada Ethiopia ayaa diiday warar ka soo baxaya dawlada Somalia, kaas oo Ethiopia ku eedaynaya dhacdo ka dhacday shalay magaalada Doolow oo ay ku jabeen ciidamada dawlada Somalia kadib dagaal ay la galeen Jubbaland.Waxaanay Ethiopia eedahaasi ku tilmaantay been aanay waxba ka jirin. Eedahan Somalia iyo Ethiopia ay isku jeedinayaan ayaa ku soo beegmaya xili wafti ka socda Somalia oo uu hoggaaminayo Wasiirudawlaha Arimaha Dibada iyo Taliya Sirdoonku ay ku sugan yihiin Addis Ababa.Hase yeeshee Ethiopia waxa ay sheegtay inay jiraan gacan saddexaad oo doonaysa inay khalkhal galiso xasiloonida Geeska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia.Dhinaca kale dawlada ayaa iyaduna sheegtay in ciidamadeedu ay ka mid noqonayaan Ciidanka nabad-ilaalinta Somalia ee AUSSOM.
Leave a comment