Ciidanka Liyuu Booliska Dawlad Deegaanka Ethiopia Oo Weerar Ku Qaaday Shacabka Degan Dacawalay.
Dacawalay, December 25, 2024 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya deegaanka Dacawalay oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya inuu halkaasi dagaal ku dhexmaray Ciidamada dawlad deegaanka iyo dad shacab ah oo degan Dacawalay.Sida ay wararku tilmaameeen ciidanka Liyuu Booliska ayaa weerar ku soo qaaday Dacawalay waxaanay u gaysyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.Magaalooyinka Baligubade iyo Hargeysa ayaa la soo gaadhsiiyey dhaawacyada dadka Liyuu Boolisku ay u geysteen.
Leave a comment