Ciidan Puntland Leedahay Oo Daacish Ku Go’doomisay Buurta Af Urur
Haatufonline,January 21,2025
Argagixisada Daacishta Somalia ayaa go’doomiyey ciidan lagu qiyaasay shan boqol oo ka tirsan maleeshiyada maamul gobaleedka Puntland kuwaasoo dhawaan bilaabay weeraro ay la beegsanayaan saldhigyada Daacish ku leedahay buurlayda Cal-Miskaad ee bariga gobolkaasi.
Maamulka Puntland ayaa todobaadkii hore iclaamiyey inuu guulo waawayn ka gaadhay hawlgallo ciidan oo ka dhan ah dagaalyahanada Daaciish ee ku sugan buuralaydaasi.
Hadayeeshee Ilo u dhuun daloola wararka gobaha dagaalku ka socdo ayaa waxay sheegeen in qayb ka mid ah ciidanka Puntland la go’doomiyey ka dib markii ay Daacish ku hareeraysay buurta lagu magacaabo Af Urur oo ku taala silsiladda Cal-Miskaad.
Ilahaasi waxay intaas ku dareen in sido kale ay jiraan dhaqdhaqaaqo ay Daacish wadaan oo ku aadan dhinaca wadada isku xidh-dha Bosaaso iyo Qardho.
Ururka Daacish ayaa dabayaaqadii bishii December 2024 weerar argagixiso ah kusoo eekaysiiye maleeshiyada Puntland oo xiligaa isu diyaarinayey inay guluf kusoo qaadaan dagaalameyaasha Daacish ee ku sugan buuralayda.
Maamulka Puntland ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay taageero ku siiyaan dagaalka ay ku cidhibtirayaan argagixisada Daacish ee Puntland ku sugan.
Ururka Daacish ayaa mudooyinkan dambe isku balaadhiyey dhulka Puntland ee buuralayda ah isla markaana abuuray dakhli buuran oo kasoo galo ka-ganacsiga macdanta, maandooriyaasha,hubka,tahriibta iyo cashuurta bilkhasabka ah ee uu ka qaado ganacsatada deegaanka gaar ahaan kuwa deggan magaalada dekadda ah ee Bosaaso iyadoo la sheegay in Daacishka Somalia uu gaadhay heer uu taageero dhaqaale siiyo laamaha Daacish ku leeyahay dalalka kale.
Laakiin siday sheegeen khubaro ku takhasuysay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, waxa Puntland ku adkaan doonta inay si dhakhso ah ugu adkaato dagaallameyaasha Daaciish laba qodob dartood : -Hogaamiyeyaasha iyo dagaalameyaasha Daacishta Somalia oo dhammaantood kasoo wada jeeda deegaanka Puntland laftiisa marka laga reebo tirada yar ee dagaalyahanada ajaanibka ah ee taraxa mooyaane, taasoo keentay inay mararka qaarkood isku dhex milmaan qaar ka mid ah dadweynihii iyo qaar ka mid ah ciidankii iyo masuulintii maamulku.
2-Goobaha Daacish lagula dagaalamayo oo ah dhul buuralay ah oo aanay Puntland si sahlan uga safayn karin.
Leave a comment