Danta Iran Ugu Jirta In Xuuthiyiintu Isku Balaadhiyaan Xeebaha Bariga Afrika
La iskuma hayo in Iran ay danaha istraatiijiyadeed ee ay ka leedahay Bariga Dhexe uga faaiidaysan jirtay kooxaha ay xulafada wada ahaayeen sida Xisbula iyo Xuuthiyiinta.
Tusaale ahaan waxay Iran kooxahaasi ku khuukhin jirtay dawladaha Khaliijka.
Waxa kale oo gacan-ku -haynta kooxahaasi mitidka ah ay Iran ka dhigan jirtay awood dheeraad ah oo ay kula gorgortanto dawladaha waaween sida Maraykanka si cuno qabataynta looga dul qaado ama adcaful iimaan looga khafiifiyo.
Hadaba waxa haatan saaxadda ka baxay
Xisbula oo ahaa ka ugu awoodda badan kooxahii ay Iran u adeegsan jirtay inay tanaasulaad kaga hesho dawladaha Bariga Dhexe iyo kuwa reer Galbeedkaba.
Iran waxay xoog geeda isugu gaysay taageerada Xuuthiyiinta si ay awood ugu yeelato biyo marineeda Badda Cas iyo Badwaynta Hindiya taasoo ay Iran doonayso inay ku rux ruxdo dawladaha ay is-hayaan.
Inkastoo Xuuthiiyiinta Yaman balanqaadeen inay xadidayaan weeraradii ay la beegsan jireen maraakiibta kol hadii 19 kii bishan xabad-joojin laga gaadhay dagaalkii Qaza ee u dhaxeeyey Xamaas iyo Israel oo aanay
ilaa hadda jirin wax weeraro ah oo ay kusoo qaadeen gaadiidka badda ,hadana waxa mandaqadda ka socda hawlo ay Iran u wakiilatay Xuuthiyiinta oo ay ku doonayso inay kooxo cusub oo ay is-xulafaystaan ka samaysato xeebaha Geeska iyo Bariga Afrika.
Laakiinse Iran waxay ogtahay in xag dhaqaale,diblomaasiyad iyo xag dhaqanba ay dalalka Khaliijku iyada kaga saamayn badanyhiin Geeska iyo Bariga Afrikaba .
Hadaba si ay ula tartanto oo ay waliba kaga awood badnaato mandaqaddaa, Iran iyadoo adeegsanaysa Xuuthiyiinta waxay indhawaydba ku camal falaysay istraatiijiyad ay xidhiidho dhaw kula yeelanayso kooxaha fadqalalada ah sida tahriiblayaasha hubka iyo budhcad-badeeda Somalia iyo waliba argagixisada Alshabaab .
Siyaabaha kala duwan ee Iran hubka ugu soo diri jirtay Xuuthiyiinta waxa ka mid ahaa inay soo gaadhsiiso dekado macmal ah oo ku yaala xeebaha maamul goboleedka Puntland ee Somalia ,kadibna halkaasi ay doonyo kasoo qaadaan oo ay dakedda Xudayda ee Yaman keenaan.
Waxa seh aan shaki ku jirin in iskaashigan cusub ee ay Xuuthiyiintu la yeesheen kooxaha dambiileyaasha ah ee Somalia uu u saamixi doono inay isku balaadhiyaan oo ka hawlgalaan ilaa xeebaha dalalka Bariga Afrika ee ku taxan Badwaynta Hindiya taasoo halisteeda wadata.
Leave a comment