Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigtay Baardheere Iyo Masuuliyiin Dawlada Somalia Dhawaan Usoo Magacawday Oo Lagu Dilay Dagaal Saaka Ka Dhacay
Baardheere, February 5, 2025 (Haatufonline) – Ciidamada dawlada Somalia iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ayaa saaka ku dagaalamay magaalada baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo.
Dagaalkan oo la sheegay inuu khasaare dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay ayaa waxa uu ku dhexmaray labada ciidan ee ka kala tirsan dawlada Somalia iyo maamul goboleedka Jubbaland oo halkaasi isku horfadhiyey. Dadka ku dhintay wax aka mid ah gudoomiyihii arimaha bulshada ee degmada Baardheere Maxamed Ilyaas Caagane oo ka mid ahaa masuuliyiin dawlada federalka Somalia ay dhawaan usoo magacawday degmadaasi.
Wararku waxa kale oo ay intaasi ku darayaan in saldhiga booliska iyo xarunta degmada ay gacanta ku dhigeen ciidanka Jubbaland ka dib dagaalka labada ciidan ku dhexmaray.
Leave a comment