Latest News

Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka JSL Oo Qaabilay Safiirka Iyo U Qaybsanaha Difaaca Ethiopia Oo Ay Ka Wadahadleen  Xoojinta Iskaashiga Amniga Ee Labada Dal

Hargeysa, February 13, 2025 (Haatufonline) – Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Guuto Nimcaan yusuf Cismaan (Gaaxnuug)  ayaa Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ku qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador Teshome Shunde oo uu wehelinayo u qaybsamaha difaaca (Military attaché), sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Qaranka Somaliland.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidaanka Qaranka Somaliland iyo Safiirka Ethiopia  ee Somaliland ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Amniga, Labada Wadan. Sidoo kalena uu kulankani ahaa mid isbarasho ah maadaama oo taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland dhawaan loo magacaabay Taliye Gaaxnuug.

English Version.

Somaliland Army HQ.

The Commander of the Somaliland National Army, Brg.General Niman Yusuf Osman, received the Ambassador of Ethiopia to Somaliland, H.E. Teshome Shunde, at the Somaliland Army Headquarters. The Ambassador was accompanied by the Ethiopian Defense Attaché (Military Attaché).

During their meeting, the Commander of the Somaliland National Army and the Ethiopian Ambassador discussed ways to strengthen security cooperation between the two countries. The meeting, which served as an introductory courtesy call, aimed to familiarize the new Somaliland Army Chief of Staff and explore opportunities for enhanced collaboration on regional security.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*