Madaxweyne Ciro Oo Bogaadiyey Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Sii Xoogaysanaya.
![e5p018s11k9184opn](https://www.haatufonline.com/wp-content/uploads/2025/02/e5p018s11k9184opn-620x264.jpg)
Dubai, February 13, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo waraysi siiyey wakaalada Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa bogaadiyey xidhiidhka sii xoogaysanaya ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Ciro ayaa sheegay inuu Imaaraadka uga mahadnaqayso sii wadida taageerada wadankiisa iyo kor u qaadka xidhiidhka saaxiibtimo eel aba geesoodka ah ee dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa ku sugan dalka Imaaraadka oo uu kaga qaybgalay shirweynaha Dawladda Adduunka ee 2025, waxaanu amaanay doorka maalgashiga Imaaraadka, gaar ahaan DP World, xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo u beddelka Dekedda Berbera ee Istaraatiijiga ah ee isku xidhka Somaliland. Wadamada deriska la ah.
Waxa uu sharaxay in maalgashiga DP World ee Dekedda Berbera ee keentay horumarinta iyo fiditaanka ama dhisidda goob xor ah iyo shirkadda ganacsiga Berbera, taasoo kobcisay isku xidhka dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya oo deris la ah, oo ay ku nool yihiin dad ku dhow 134 milyan. Tani waxay Berbera ka dhigtay furaha ganacsiga ee gobolka, gaar ahaan gaadiidka xuduudaha isaga gudba iyo dhinaca Zaadka (logistics-ka).
Cusbitaalada Imaaraadku maalgeliyo ee Berbera iyo Burco, Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xariiqay caqabadaha dhaqaale ee ay kala kulmaan caafimaadka Somaliland. Waxa uu xaqiijiyay in dhisidda isbitaaladani ay si weyn kor ugu qaadi doonto adeegyada daryeelka caafimaadka ee ay bulshada deegaankaasi u baahan yihiin.
Leave a comment