Latest News

Xuutiyiinta Lama Muquunin Karo Hadii Aan Laga Joojin Taakulaynta Usoo Marta Badda

Haatufonline,February 24,2025

Taakulaynta u dalka Eeraan la daba joogay Xuutiyiinta Yaman ayaa kooxdaasi u suurtagaliyey inay muddo sanad ku dhawaad ah weeraro la beegsadaan maraakiibta marta Badda Cas,Gacanka Cadmeed iyo Badda Carabeed(Arabian Sea) taasoo keentay inuu xidhmo Qoorigii Suways( Suez Canal) kadib markii ay amaandaradii ka dhalatay weeerarada Xuutiyiinta ee ku habsatay Baddi Casayd darteed ay maraakiibtii marinkaas isticmaali jirtay u-digo roogteen kasoo-wareegga Koonfur Afrika xiliga ay u kala gooshayaan Yurub,Aasiya,Afrika iyo Bariga Dhexeba.
Hadaba waxa la odhan karaa Xuutiyinta looma taag heli karo hadii aan laga joojin hubka casriga ah ee Eeraan ku taakulayso ee ay u adeegsadaan weerarada maraakiibta sida diyaaradaha Daroonka een duuliyaha lahayn,doonyaha aan cidi wadin ee la hago iyo gantaalaha ridada dheer.
Taakulaynta Eeraan waxay Xuutiyiinta usoo marta badda.
Hubka oo rakiban iyo isagoo furfur ahba waxa lasoo saaraa maraakiib iyo doonyo yar yar iyadoo laga soo raro dekadaha koonfurta Eeraan ee ku yaala xeebta marinka Hormuz halkaas oo markay kasoo gudbaan soo gaadhaan xeebaha Koonfurta Yaman. Laakiinse dhulka Xuutiyiintu ka taliyaan oo ku kooban Yamanta Waqooyi oo qudha darteed waxay Xuutiyiintu heshiis la galeen faraca Alqaacida ee ku sugan Koonfurta Yaman si ay ugu soo gudbiyaan taakulaynta Eeraan.
Heshiiska dhexmaray labada dhinac ee awal colka ahaan jiray ayaa waxa uu faraca Alqaacida dhaafsaday in Xuutiyiintu wax ka siiyaan hubka casriga ee Eeraan siiso sida daroonka iyo gantalaha.
Labada kooxoodba waxay la dagaalamaan xukuumadda sharciga ah ee Yaman.
Hubka oo furfuran waxa kale oo Xuutiyiita loo soo mariyaa xeebaha Somalia gaar ahaan gobolka Puntland iyo xeebaha Djibouti halkaas oo dib looga raro ilaa dekadaha ay Xuutiyiintu xukumaan iyadoo la adeegsanayo doonyo yar yar oon ishu qaban .
Xadka Cumaan iyo Yaman ayaa ah dariiqa sadexaad ee taakulaynta Eeraan ka timaadda looga soo tahriibiyo Xuutiyiinta.

Hadaba hadii aan Xuutiyiinta laga joojin taakulaynta uga timaadda dalka Eeraan iyo meelo kaleba,waxa adkaanaysa in Xuutiyiinta laga adkaado waxaana sii jiri doonta amman darada ay mandaqadda ka wadaan iyo waliba khatarta ay ku hayaan isku gudubka ganacsigii caalamka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*