Xuutiyiinta Oo Xabsigooda Kasii Daayey Xubaha Alqaacida Kuwoodii Ugu Khatarsana

Haatufonline,April 23,2025
Kooxda Xuutiyiinta ayaa bishan gudaheeda ku kacday arin cusub oo muujinaysa xidhiidhka iskaashi ee ay la yeesheen ururada argagixisada ah iyadoo ay xabsigooda kasii daayeen hogaamiyeyaasha faraca Alqaacida ee Yaman kuwoodii ugu khatarsanaa oo muddo dheer ku xidhnaan jiray xabsiga laamaha ammanka u gaarka ah ee ku yaala Sanca.
Xubnaha lasii daayey waxa ugu caansan labada nin ee la kala yidhaa “Abu Mascab Alridaaci” iyo “Abu Muxsen Alcawlaqi” kuwaasoo ku eedaysnaa inay ka dambeeyeen falal badan oo argagixiso ah oo ka dhan ahaa Xuutiyiinta laftooda iyo waliba ciidamada dawladda Yaman ee caalamiyan la aqoonsanyahay.
Xabsiga Sanca ayaa waxa ku xidhnaan jiray boqolaal ka tirsan faraca Alqaacida intii aanay Xuutiyiintu inqilaabin dawladdii sharciga ahayd sanadkii 2015 kii.
Hasayeeshee Xuutiga iyo Alqaacidada Yaman ayaa waxa sanadahan dambe dhexmaray heshiish ah inay iska kaashadaan dagaalka ay labadooduba kula jiran dawladda sharciga ah iyo danaha dawladaha reer galbeedka.
Waxa kale oo qodobada heshiiska ka mid ahaa inay is-dhaafsadaan wixii maxaabisa ee ay kala haysteen iyo inay iska kaashadaan tahriibta hubka iyo badeecadaha koontrabaanka ah iyo sidii faraca Alqaacida uga shaqayn lahaa xidhiidh dhex mara Xuutiyiinta iyo kooxda Alshabaabka ee ka hawlgasha dalka Somalia.
Sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta Yaman Mucamar Al Eeryaani waxay Xuutiyiintu sanadkii 20018 bilaabeen inay kolba tiro argagixiso ah kasii daayeen jeelashooda.
Al Eeeryaani ayaa ka digay in iskaashiga Xuutiyiinta iyo Alqaacada aanu ku eekaan doonin gudaha dalka Yaman balse ay saamayntiisi u gudbi doono dalalka kalee mandaqadda.
Leave a comment