Saldhigga Milatariga Maraykanku Ku Leeyahay Jabuuti Xaaladd Deg-deg Ah La Galiyey
Djibouti, April 24, 2020 (Haatuf) – Tirada dadka uu haleelayo xanuunka COVID-19 ayaa sare u kacay guud ahaan Jamhuuriyadda Jabuuti waxaana wadarta kiisaska la helay ay gaadhaayaan ku dhawaad 985 kiis, taas oo aad uga badan waddamada Gobolka sida Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya .
Waxaana dadka uu cudurka soo ritay kamid ah askar ka
tirsan saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay waddankaasi.
War kasoo baxay taliska Afrika ee Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay
laba saldhig oo ay Ciidamadaasi ku leeyihiin Jabuuti la geliyay xaalad deg deg
ah oo Caafimaad dadweyne ah , sida lagu sheegay warsaxaafadeed la soo saaray.
Michael Turello oo ah taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Howl-galka geeska
Afrika oo qoraalkaan soo saaray ayaa waxa uu yiri “La dagaallanka
COVID-19, waxey innoo leedahay muhiimad gooni ah, waxena innoo leedahay ahmiyad
gooni ah”.
Dhowr kamid ah Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ku sugan iyo shaqaalaha
saldhigyadaasi ee rayidka ah ayaa waxaa laga helay xanuunka COVID -19.
Leave a comment