Safiirka Shiinaha U Fadhiya Muqdisho Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland
Hargeysa, August 1, 2020 (Haatuf) – Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu ula kulmo madaxda dawladda Somaliland.
Socdaalka Safiirka dalka Shiinuhu uu ku yimid Hargeysa ayaa imanaya kadib markii ay Somaliland dhawaan xidhiidh diblomaasiyadeed ay la yeelatay Taiwan, isla markaana ay labada dhinac isdhaafsadeen safiiro u kala fadhiyi doona labada dhinac ee Hargeysa iyo Taipei.
Dawladda Beijing ayaa si xoogan u
diidey xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhexmaray
Somaliland iyo Taiwan, maadaama oo Shiinuhu u arko in Taiwan ay ka tirsan tahay
dalweynaha Shiinaha, isla markaana Taiwan aanay geli karin
xidhiidho diblomaasiyadeed iyada oo kaligeed ah.
Sida laga soo xigtay ilo
dibloomaasiyadeed, ayaa sheegaya in dawladda
Shiinuhu ay ku cadaadin doonto Somaliland inay joojiso xidhiidhada ay la
samaynayso Taiwan.
Leave a comment