Shir Nabadeed Oo Ka Furmay Degmada Saax-dheer Ee Gobolka Sool
Hargeysa, August 4, 2020 (Haatuf) – Waxa Gelinkii dambe ee Maanta Degmada Saax-dheer ka furmay Shir-nabadeed u dhexeeya Beelaha Walaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag ee Dhulbahante.
Labada Beelood oo uu Gogol nabadeed u dhigay Garaadka guud ee Beelaha Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro Colaad muddo soo jiitamaysay ee u dhaxaysey labada beelood ee Walaalaha ah, kuwaasi oo horraantii bishii dhamaatay ee July uu dagaal khasaare sababay ku dhex maray degmada Horufadhi.
Shirka Nabadeed ee ka furmay Saax-dheer ayaa waxa ka qayb-galay Odayaasha iyo Waxbaradka Labada Beelood ee la heshiisiinayo iyo Tobannaan Madax-dhaqameed ah oo ka socda Gobollada kale ee dalka
Leave a comment