Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Xayiraadda Iyo Xadhiga HCTV
Hargeysa, (Haatuf) – Ururka SOLJA ayaa sheegay in maanta ciidamada Booliska Somaliland ay xidheen Tifaftirihii telefishanka HCTV, C/qaadir Saleebaan Casayr isla markaana xukuumaddu xayiraad saartay Telefishanka HCTV, sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray ururka SOLJA oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.
War-saxaafadeedka ururka SOLJA ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka SOLJA maadaama oo ay shaqadiisu tahay difaaca, horumarinta Saxaafadda iyo kobcinta dimuquraadiyadda suuban iyo xoritaul-qawlka, inuu talaabadaasi u arko talaabo qaldan oo ka timaada xukuumadda inay dhaawacayso jiritaanka, Sumcada iyo deganaanshaha bulshada reer Somaliland, sidaas daraadeed loo baahan yahay in laga foojignaado,” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka SOLJA.
Leave a comment