Latest News

Ujeedada Hawlgalka Tigraygu Ka Wadaan Gobolka Cafarta Iyo Durtaba Maleeshiyo Oromo Ah Oo Isu Dhiibay

Semera,Gobolka Canfarta,July 20,2021(Haatufonline)-Ciidamada Tigrayga ayaa sheeganaya inay guulo ka gaadheen dagaalo ka dhacay gobolka Canfarta oo maalmihii ina soo dhaafay ay iskaga horyimaadeen ciidamada dawladda Itoobiya.

Tigrayga ayaa waxay soo bandhigeen sawirada maleeshiyo Oromo ah oo maxaabiis ah oo ka mid ahaa maleeshiyo tiro badan oo dhawaan laga soo qaaday gobolka Oromoda oo la keenay gobolka Canfarta waxaana la sheegaya in Tigraygu ay jid-goyn u galeen basas siday qaar ka mid ah maleeshiyadaas oo ay isdhiibeen .

Hawlgalka milatari ee ay Tigraygu ka wadaan gobolka Canfarta ayaa sida la aaminsanyahay ay ujeedadiisu tahay inay gacanta ku dhigaan jidka halbowlaha ee isku xidha Jabuuti iyo Addis-Ababa si ay Itoobiya uga go’doomiyaan dekadda Jabuuti ee ay  wax kala soo degto taasoo daboosha 90% baahida Itoobiya.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada Tigrayga Getachew Reda oo la hadlayey wakaalada wararka ee  Reuter waxa u sheegay in front-ka ay ka fureen dhinaca golka Tigrayga ay ujeedadiisu tahay sidii  halkooda loogu tagi lahaa ciidamada ay dawladda Itoobiya halkaas kusoo daabushay inta aanay iyaga soo weerarin.

 

 

Connect with us on Facebook