Tirada Askarta Iyo Saraakiisha Ka Goosanaysa #Alshabaab Oo Soo Badanaysa Iyo Madaxi Xabsiyada Oo Isasoo Dhiibay
Baydhaba August11,2021(Haatufonline)-Waxa baryahan dambe soo kordhaysay tirada askarta iyo saraakiisha kasoo goosanaya ururka Alshabaab waxaana ugu dambeeyey ninkii u madaxda ahaa xabsiyada ay dadka ku ridaan ee ay naadir tahay in la arko qof galay oo nolol ahaan kaga soo baxay marka laga reebo askartooda ay dhisibliinka u xidhaan.
Cabdilaahi Macalin oo Foodcadde ku magac dheer oo mudo dheer ahaa madaxa xabsiyada Ashabaab ayaa kadib markii todobaadkan ay ciidamada Somalia kusoo bandhigeen taliska qaybta 60 naad ee Baydhaba waxa uu sheegay in uu kooxda Alshabaab ka tirsanaa muddo 7 sanadood ah kana soo qaybgalay dagaalo badan balse uu haatan dib uga noqday fikirkii argagixisonimada ee xalaashaday daadinta dhiigga dadka Muslimka ah isla markaana waxa uu xubnaha kale ee Alshabaab ku hadhay warbaahinta u mariyey inay iskaga tagaan oo sidiisa ka toobad keenaan argagixisnimada shicibka loo gaysanayo.